Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Abuu Muscab Oo Ka Hadlay Weerarkii Xildhibaanada iyo Lawareegista Deegaanka Daynuunaay.

abuu-Muscab
Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka war bixiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Afhayeenka ayaa bixiyay warbixin faah-faahsan oo ku aadan qaabka uu u dhacay dilka xildhibaanka iyo ujeedada loo beegsaday intaba.
Hadalkiisa waxaa ku jira digniin culus oo ku socota xildhibaanada Baarlamaanka iyo cid walba oo ku lug leh la shaqeynta ciidamada shisheeye.
Dhageyso:Abuu Muscab Oo Ka Hadlay Weerarkii Xildhibaanada iyo Lawareegista Deegaanka Daynuunaay.

Sidoo kale Sheekh C/Caziiz ayaa ka waramay weeraro gaadiid looga gubay ciidamada shisheeye oo shaleey ka kala dhacay laba degaan oo ka tirsan Sh/hoose.

Tallaabadii ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay ayaa afhayeenka wax laga weydiiyay inta wareysiga uu socday, wuxuuna ka bixiyay sharaxaad dheeri ah.

Ugu dambeyntii Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab ayaa ka waramay istaraatiijiyadda dagaalka ay kula jiraan ciidamada shisheeye iyo go’doominta ay ku sameeyeen dhammaan degmooyinka ay ciidamada shisheeye ku qabsadeen ol’olohoodii ugu dambeeyay ee ay bishii Mach soo qaadeen.

You must be logged in to post a comment Login