Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhageyso:Sheekh Cali Dheere Oo Ka Hadlay Sababta ay Ubeegsanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Cali-Dheere

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa ka hadlay dilal daraad iyo shalay Muqdisho loogu geystay laba xildhibaan oo baarlamanaanka Dowladda Federaalka katirsan.

Al Shabaab waxay ku goodisay in ay sii wadi doonto beegsiga xildhibaanada baarlamaanka oo ku eedaysan in ay ansixiyeen ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan.

Sheekh Cali dheere ayaa wareysiga lala yeeshay ku sheegay in shacabka magaalada Muqdisho ay xoogaga xarakada ku gacan siiyaan beegsiga wax u ugu yeray codowgooda isagoona soomaalida ku ammaanay qaabka ay gacanta uga geysanayaan iska caabinta lagala hortegay Xabashida Itoobiya.

You must be logged in to post a comment Login