Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo Kismaayo iyo Warfaa Sh Aadan oo digniin xoogan bixiyay

Afhayeenka Ciidamadda dowladda ee gobolada Jubbooyinka Col Warfaa Sheekh Aadan ayaa sheegay in Ciidamo ka socda dowladda oo dhawaanahaan ku sugnaa duleedka Kismaayo inay gudaha u galeen magaalada
Kismaayo.
Warfaa sheekh Aadan ayaa uga digay Cidamadda Maamulka KMG ah gaar ahaan kuwa Raaskambooni inay sii wadaan dhaq dhaqaaqaya ay oga soo horjeedaan Ciidamadda dowladda ee maanta gudaha u galay Kismaayo sida uu hadalka udhigay

Warfa ayaa xusay inay soo gaareen Warar sheegaya Ciidamadii maanta fariisimaha ka samaystay gudaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan halka loo yaqaan Warshadda Hilibka, inay dhaq dhaqaaqya ay oga xigsanayaan Magaalada ka samaynayaan halkaasi.
Xaalada Siyaasadeed ee magaalada Kismaayo ayaa ah mid aan salaysneyn iyadoo ka sokow maleeshiyaadka magaalada kusugan uu Khilaaf xoogan udhaxeeyo Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Kismaayo.

You must be logged in to post a comment Login