Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo gobolka Gedo & Jubbaland oo ciidamo hor leh gaysay Mandheere

Muqdisho-Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta deegaano hoostaga gobalkaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan, kaas oo ay ka samaynayaan ciidamada maamulka Jubbaland.

Deegaanada qaar ee hoostaga gobalkaasi Gedo ayaa waxa lagu dhex arkayaa ciidamo aad u fara badan kuwaas oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka samaynaya gudaha magaalooyinka ee deegaanada ay ku sugan yihiin, wararku ayaa intaa waxa ay ku darayaan in maanta maamulka Jubbaland ay ciidamo horleh ay geeyeen magaalada Dhoobleey e gobolka Jubbada Hoose.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli ay jirto xiisad u dhexeysa Dawladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ee gobolka Gedo, kaas oo ku bilowday khilaaf soo kala dhexgalay madaxda dawlada dhexe iyo kuwa Jubbaland.

You must be logged in to post a comment Login