Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhoobley:- Ururka Al-shabaab Oo ka warbixiyay Weeraro Ciidamada Kenya ay ku qaadeen iyo khasaaro ay u gaysteen.

Afhayeenka Dhanka Howlgallada Ururka Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab, ayaa ka warbixiyey Weeraro ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda Kenya ee Gobolada Jubbooyinka, waxaa uu sheegay in ay askar ka laayeen dhowr gaari oo xammuul iyo nooca dagaalka ahna ay ka gubeen Al-shabaabeen Sidoo kale waxaana uu ka hadlay iscasilaaddii Wasiirkii Amniga Qaranka Dowladda Federaalka.

Sidoo kale Sh. Abuu Muscab waxaa uu sheegay in weeraradaasi oo ka dhacay Degmada Dhoobley iyo Deegaanka Taabta inta u dhexeysa in ay ku dileen Saraakiil Kenyatti ah, waxaana isagoo khasaaraha guud ka warbixinaya uu yiri “Marka la isku soo xooriyo khasaarahooda, waa afar gaari oo gubasho ah, labo waa Gaadiid Gaashaaman, midi waa Xummuul ah, midna waa Gaari nooca Raaxada ah oo Saraakiil ay wadatay”….

Abuu Muscab ayaa sheegay in ay askar badan ka dileen Ciidamada Dowladda Kenya oo iskugu jira Saraakiil iyo Ciidan, waxaa uu intaas raaciyay in Socdaalka Ciidanka Kenya oo ku wajahnaa Deegaanka Taabta ay u suurto gali weyday ayna markii dambe dib ugu laabteen Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Afhayeenka Al-shabaab ee dhinaca Howlgalada ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ruuxooda Weeraradaasi uu khasaaro kasoo gaaray waxaana uu yiri” dhanka Mujaahidiinta xaq u dirirkaa ee Dagaaladaasi shalay la dagaallantay, labo mujaahid ayaa ka dhintay ilaahay ha u naxariistee”.

Dhinaca Abuu Muscab ayaa ka hadlay Wasiirkii Amniga Qaranka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya C/xakiin Xuseen Guuleed oo isagu weerarkii Baarlamaanka ka dib Xilka iska Casilay, waxaana Al-shabaab ay sheegeen in uu isku casilay ka dib markii uu Al-shabaab u babac dhigi waayay.

Ugu Dambayntii Abuu Muscab ayaa bogaadiyay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen 24-kii bishaan Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu hanjabaad ballaaran u jeediyay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya. Viagra Gold buy online, buy lioresal online.

You must be logged in to post a comment Login