Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhuusamareeb: Khasaare ka dhashay israsaaseyn ku dhexmartay ciidamada dowladda

 0

Dhuusamareeb-KNN-Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug isku rasaaseeyey ciidanka militeriga Soomaaliya ee qeybta 21-aad iyo kuwa Nabad sugidda ee ku sugan Dhuusamareeb.

Israsaaseyntaas ayaa bilaabatay ka gadaal markii la isku deyey in ciidanka militeriga ee qeybta 21aad laga raro xaruntooda, iyadoo uu qorshuhu ahaa in maanta halkaas uu madaxtooyada Galmudug ka dhagax dhigo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Israsaaseyntaas waxaa la sheegay in ay ku geeriyootay laba askari oo dhinacyada dagaalamay ah, waxaana hadda degan xaaladda xaruntii lagu dagaalamay oo ay ku suganyihiin ciidankii horay u joogay ee qeybta 21aad.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarunta 21-aad eeciidanka xoogga dalka ka dhagax dhigay Madaxtooyada cusub ee aamulka Galmudug, halkaas oo haatan fariisin u ah militeriga Soomaaliya ee howlgala bartamaha dalka.

You must be logged in to post a comment Login