Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dil iyo afduub loo geystay badmaaxiinta markab Turki ah

 

Ginni-Koox la aaminsanyahay inay ka tirsanyihiin burcad badeed ka aas aasan galbeedka qaaradda Afrika ayaa qafaashay markab nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay Turkiga oo marayay gacanka Gini.

Wararku waxay sheegayaan in rasaas ay fureen kooxda burcada ah inuu hal badmaax ku geeriyooday.

Militryga Turkiga ayaa sheegay inuu socdo dadaal la doonayo in lagu badbaadsho markabka maanta la afduubtay oo la yiraahdo MV Mosart.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in ruuxa geeriyooday uu ahaa Injineer u dhashay dalka Asarbijan waxaana la socda marka la afduubtay 15 badmaax oo kale.

Kooxdaan ayaa la sheegay in markabka ay qafaashaan ay la aadeen dhanka xeebaha dalka Gabon.

MV Mosart oo ku safrayay calanka dalka Liberia ayaa shalay uun ka furtay dalka Nigeria waxaana uu ku socday dekada magaalada Cape town ee dalka Koofur Afrika

Gacan biyoodka Ginni oo isku xira Gini, Nigeria, Togo, Benin iyo Kaamiroon ayaa loo aqoonsanyahay hadda biyaha adduunka ugu halista badan ee falalka burcadninimada ah ka dhacaan.

You must be logged in to post a comment Login