Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaarad dagaal oo duqeeyay Deegaan duleedka Degmada Jilib ku yaalla

order Viagra Super Active online cheap, buy dapoxetine online. th-11Diyaarado dagaal ayaa maanta duqeyn ka geystay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo duqeeyay deegaan 13-km u jira degmadaas, iyadoo aan weli la sheegin khasaaraha ka dhalatay duqeyntan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaaradahan oo markii hore joog hoose ku socday ay xoogagga Al-shabaab ku rideen qoriga lidka diyaaradaha, iyadoo wax yar kaddib ay gantaal ku jawaabtay.

Diyaaradahan ayaa la rumeysan yahay in laga leeyahay dalka Kenya, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca degmada Kismaayo, ka hor inta aysan duqeynta sameyn.

Illaa hadda ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab, iyadoo maanta degmada Jilib lagu arkay xoogag fara badan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo watay gaadiid dagaal.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa sannad ka hor duqeeyay degmada Jilib iyo deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka, iyadoo duqeymahaas ay ku dhinteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidammo qayb ka ah AMISOM oo ka howlgala gobollada Jubbooyinka, inkastoo ciidamadan lagu eedeeyo inay gacan-saar la leeyihiin maamulka ka arrimiya Jubbooyinka.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2014/May/wararka_maanta18-46633.htm#sthash.F1mnL7fc.dpuf

You must be logged in to post a comment Login