Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaarad Dagaal oo Mar kale Lagu Waxyeeleeyay Degmada Ceelbuur.

thumb

Mid kamida diyaaradaha sahayda udaabula ciidamada  Itoobiya ee ku go’doonsan degmada Ceelbuur ayaa la waxyeeleeyay. 

Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada difaaca cirka shabaabul Mujaahidiin ay madaafiicda lidka diyaaradaha la eegteen diyaarad ka kacaysay garoonka diyaaradaha macmalka Ceelbuur.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in waxyeella xooggan ay gaartay diyaaradda iyadoona durbadiiba dib ugusoo laabatay garoonka diyaaradaha Ceelbuur.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerara diyaaradda lagu qaaday balse saraakiil melleteri oo Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in ay filayaan in waxyeello ka dhalatay dhaawaca diyaaradda gaaray.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay difaaca cirka xarakada Al Shabaab dhulka soo dhigeen diyaarad saad ciidan ugeyn laheyd Itoobiyaanka ku hareeraysan Ceelbuur.

L

SomaliMedia,Muqdisho

info@somalimedia.co.uk

tamoxifen, order Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login