Diyaarad laga leeyahay Imaaraadka oo loo diiday inay ka duusho Boosaaso ka dib markii ay diideen in la baaro

Filed under: Wararka |
Cialis Soft no rx, acquire Zoloft. Cialis Jelly online, zithromax online.

A�April 14, 2018

A�Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee magaaladaasi ay ku xayireen garoonka diyaaradaha Boosaaso diyaarad laga leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Diyaaradan ayaa loo diiday inay ka duusho garoonka diyaaadaha kadib markii ay diideen in la baaro boorsooyinka ay wateen qaar kamid ah ciidamada Imaaraadka oo tababara ciidamada maamul goboleedka Puntland.

Is afgaranwaa ayaa dhex maray ilaalada garoonka iyo dadkii raaci lahaa diyaarada waxaana weli xayiran diyaaradaasi kadib markii ay ka madax adegyeen saraakiisha imaaraadka carabta in la baaro boorsooyinka iyo waxyaalaha kaleA� ee ay wateen.

Majiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee la xiriira xayiraada diyaaradan loo geystey.

Xiriirka dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii xumaanayay tan iyo markii dhowaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu qabtay lacag malaayin doolar ah taasoo sababtay in labada dal ay hadalo kulul isweydaarsadaan.

Posted by on April 14, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply