Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaarado dagaal oo lagu arkay Gaalkacyo

diyaarad dagaal miig amerikan 1

Gaalkacyo (Somalimedia Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas saakay lagu arkay diyaarad deggaan oo aan la ogeyn cidda iska leh.

Wariyaal ku sugan magaalada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay arkeen ilaa afar diyaarad oo dul hoganaya labada dhinac ee magaalada mana cadda u jeedka ay u tageen magaalada Gaalkacyo.

Wariyaasha warkan noo sheegay ayaa leh, diyaaradaha lagu arkay magaalada Gaalkacyo waxay cabsi ku abuureen dadka rayidka ee ku dhaqan magaalada, waxaana ay qalqal ku keeneen magaalada oo dhan.

Ilaa hadda ma cadda cidda iska leh iyo wax yaabaha ay damacsan yihiin diyaaradaha lagu arkay saakay magaalada Gaalkacyo.

Diyaaradaha saakay lagu arkay magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo aaday iyadoo xiisad ay kaa taagan tahay magaaladaas taasoo daba socotay markii labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ay xayiraad saareen garoomada diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku aadan diyaaradaha lagu arkay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Viagra soft FRUIT no rx, purchase clomid.

You must be logged in to post a comment Login