Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaarado duqeeyay fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen Jilib

buy Cialis soft FRUIT online, generic zithromax. Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa dhinaca cirka ka duqeeyay saldhig ay maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen degmada Jilib.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Jilib ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay shalay gantaal ku dhufteen saldhigi booliiska ee degmadaasi oo fariisin u ahaa maleeshiyaadka Shabaab.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la sheegay iney xireen waddooyinka soo gala saldhiga, si an loo arkin qasaaraha ka soo gaaray duqeyntaasi, ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxyeellada ka dhalatay duqeeyntaasi.

Sidoo kale diyaaradaha ayaa lagu soo waramayaa iney isla shalay duqeeyeen saldhig kale oo kooxda Shabaab ku laheyd duleedka magaalada Jilib, waxana dadka ku nool jilib ay sheegeen iney arkayeen qiiq iyo uuro madow oo hawada isku shareeray.

Malleeshiyaadka Al-shabaab ayaa xilligan waxaa soo wajahay culuskii ugu darnaa, kadib markii uu bilowday howlgalka Badweynta Hindiya oo loogala wareegay inta badan magaalooyinkii ay gacanta ku hayeen, iyadoo saacadaha soo socdana la rajeeynayo ineey ciidamadu la wareegn Baraawe oo xarun u aheyd Shabaab.

You must be logged in to post a comment Login