Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaarado xalay weerar culus ka fuliyay Awdheegle, Dagaal toos ah oo dhacay & Meydad Saraakiil shabaab oo la qaatay

tadalafil reviews, purchase Zoloft.
Viagra soft FRUIT no rx, purchase clomid.

Xalay abaaro Saqdii dhexe ayaa diyaarado dagaal oo ah kuwa Helicopters-ka waxa ay weer ku qaadeen Degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay maamulaan Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay ka soo daateen ciidamo dagaal toos ah la galay Al Shabaab halka kuwa kale ay duqeymo ka geysteen degmadaasi Awdhiigle.

Dhinaciisa Guddoomiyaha maamulka degmada Awdhiigle Max’ed Aweys Abuukar ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaas oo ahaa mid gaar ay fuliyeen Ciidamo Cadaan ah oo uusan cayimin heybtooda isagoo carabka ku dhuftay in 11 Meydadka Al Shabaab ah dadka deegaanka ay u sheegeen in saaka ay yaalaan degmadaasi.

Sidoo kale Guddoomiyahaan oo ah mid dibad joog ka ah degmada Awdhiigle ayaa sheegay in qaar ka mid ah Meydadka ay qaateen diyaaradaha Helicopters-ka sida uu yiri.

Dhawaan ayey ahayd markiii weerar diyaarado Maraykanka ay leeyihiin ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan, weerarkaas oo Maraykanku ay sheegeen in ay ku dileen illaa 150 Dagaalamayaasha Al Shabaab ka tirsanaa.

You must be logged in to post a comment Login