Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dood cilmiyeed looga hadlayay masuuliyada qofka Muwadinka kasaran dhisida so celinta dowlad somaliyeed ayaa ka dhacday magalada qaahira”Sawiro”

Dood cilmiyeed si heer sare loo soo agaasimey oo ay soo qaban qaabiyeen Xarunta Horumarinta dhaqanka Ee Geeska Afrika (xardha) iyo naadiga qariijiinta caalamiga ah ee al azhar ayaa waxa ay ka dhacday xarunta hoolka weyn, ee ku taala xaafada caashir ee magalada naasir.

Dood cilmiyeedkan ayaa waxaa looga hadlayay (masuuliyada qofkasta kasaaran soo celinta dhisida dolwad soomaaliyeed) carabi ahaana ah sidan ( المسؤوليةالفردية لإعادة بناءالدولةالصومالية) waxana kasoo qaybagalay marti sharf kala duwan oo isugu jira. aqoonyahno,arday,dakaatiro,waxgarad iyo macalimiin .

waxana qudbado kala duwan goobta ka jeediyeen dakaatiro si weyn looga yaqaano dalkani masar kuwaasoo kala ah : Dr cabdulqaadir abdulaahi cibaar iyo ustaad aways sayid mohamud kuwaasoo si qiiro leh qudbada uga horjeediyeen dadkii kasoo qaybgalay dood cilmiyeedkan oo aad ula socday qudbadaha dakaatiradii martida ku ahayd dood cilmiyeedkan. Wajigii koowad ee dood cilmiyeedka ayaa lagu lafa gurayay sida ugu fudud ee lagu dhisi karo dowlad soomaaliyeed oo tayo leh madama dalka uu u baahanyahay dowladnimo muddo badana uu bur bur kusoo jiray.

waxana si weyn u muuqanayay in qudbadaha ay aad u taabanayeen marxaldaha iminka ka taagan guud ahaan somaliya iyo baahi weyn in loo qabo dowladnimo. Wajigii labaad ee dood cilmiyeedkan ayaa loo furay in guud ahaan kasoo qaybgalayaasha ay ka dhiibtaan ra`yigooda si ay u cabiraan mawduuca laga hadlayay, waxana goobta ka istaagtay aqoonyahano kala duwan kuwaas oo si qurux badan goobta hadalo uga jeediyeen.

Gaba gabdii dood cilmiyeedkan ayaa waxa uu kuso xirmay jawi aad u wanagsan iyadoo dadkii kasoo qaybgalay ay kuu sheegayaan in waqtiga uu kuyaraa oo ay jeclaan lahaayeen in lasii wado madama ay yiraahdeen mawduuca uu ahaa mid loo baahnaa.

Daawo Sawirada:

10872147_1604632296438735_480944231_n 10937502_1604630979772200_389991121_n  online sildenafil, zithromax online. 10943398_1604630993105532_1540070982_n 10945367_1604630959772202_431449216_n 10942835_1604632249772073_1865870469_n10945936_1604632236438741_505654604_n 10951102_1604632229772075_1526864061_n

You must be logged in to post a comment Login