Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DOORKA AY WARBAAHINTU KA QAADAN KARTO DHALIILKA IYO IS-DHALIILKA.

 

Dhaliilka iyo is-dhaliilka (CRITICISM & SELF-CRITICISM) waa wado ka mid ah wadooyinka lagu sixi karo wixii qaldaad ah oo mujtamaca iyo maamuka ka dhex jira oo lid ku ah danaha guud ee ummadda. Qofka isaga ayaa shakhsi ahaan iska dhaliila waxaa uu naftiisa ka bia��yay uuna is baday oo xumaan ah waxaa oo ay dhici karto inay dadku ka oogaadaan amaseba ka arkaan dhaqankiia kaddibna ku dhaliilaan. Waxay noqoneysa inuu kolkaas isa saxo kana soo noqdo qaladaadka uu naftiisa ka galay kana soo noqday isagoo cudur daar bixinaya kana qoomameynaya wixii xumaan ah oo naftiisa uu yeelay.

Maamulka ummadda ka dhexeeya ayaa qaabka ay hoggaamintiisu tahay waxaa sida badan ka faalooda warbaahinta. Labada geesba hadduu maamulka ku taagan yahay nidaamka lagu yaqaan maamul-wanaagga a�?a��Good Governancea��a�� warbaahintu way ku aamaanta ayadoo dadweynaha u soo bandhigeysa xaqiiqada jirta. Haddii maamulku xun yahay a�?a��Bad-Governancea��a�� isla sida aan kor ku soo sheegay oo kale ayey warbaahintu u soo bandhigeysa wixii xumaan u maamulka gudihiisa ka dhacay waa lagu dhaliila.

Waxa maamulka lagu dhaliilayo haddii ay cadaato waxaa lagu mudan kara in xukunka laga casilo ama haddii kale oo ay cadaato dunuub cululus oo lagu galay maamulka waxa lagu mudan karo xabsi kala heera, ganaax iyo xitaa dil toogasho ah. Tusaale: Maamulki askarta 1969 ilaa 1991 waxa jiray sharci haddii ay qof ku cadaato inuu lunsaday So. Shs. 100.001 (boqolkun iyo kow) waxaa ciqaabtiisu ahayd dil toogasho. Berigaas dad ayaa xukunkaas lagu fuliyay oo tiirka lagu geeyay. Qaylo-dhaan dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ka timid xukuumaddi kacaanka dheg jalaq uma siin.

Asal ahaan dhaliisha waa mid ku dhisan toosin iyo dhisme a�?a��constructive criticisma��a�� ama waa taas mid liddi ku ah oo ku dhisan dumin iyo qallooc a�?a��distructive criticisma��a��. BaniA?aadnku macsuum ma ahin oo waxaa ka dhaca qalad inta uu maamulka hawlaha nolosha uu ku jira ama ha ahaadeen kuwo gaar loo leeyahay iyo kuwo dadweynuhu leeyihiin. Qaldaadkuna waxay noqon karaan kuwo ku yimi aqoon laa��aan iyo kuwo ogaal loogu bareeray inkastoo qawaniintu aaney aqbaleyn aniga ma aqoon in tallabadan lagu mudan karo ciqaab. Waxaa jirta maahmaah Soomaali oo murtideedu tahay a�?a��Ilaahow aqoon laa��aan ha noo cadaabin eexna ha noo dhaafina��a��. Maamaahda iskaba dhaaf xitaa Soomaalida sida badan ma fiiriyaan risaalada Kitaabka Kariimka risaalada haddii ay aqriyaana wax badan kama fahmaan macnaha. Badankooda Soomaalida waxaa hoggaamisa hawadooda iyo caadifaad ku dhisan quraafka qabiilka iyo wax la ceyn ah.

MUSUQMAASUQA IYO CUQUBADA KA RATIBMI KARA

Musuqmaasaqa oo ay ka yimid ka yihiin lunsashada xoolaha dadweynaha, laaluulshka, qaraabo kiil iyo eexda, beenta, marakhaati-beenaalaha, magac-dilka shakhsiya maqaam iyo sumcad ku leh mujtmaca iyo wixii kale ee soo raaca waxaa qofkii lagu helo xukunkiisu noqon kara mid gaaraya ilaa sanooyin kala heera. Haddii xukuumddu ay dalka galiso xaalado degdeg a�?a��State of Emergencya��a�� waxaa muddada xalada soo bixi shuruuc kale oo kuwan ka sii adag oo lagu mudan kara dil toogasho uu qofku ku waayi karo naftiisa iyo hantidiisa. Kolkaas waxa la laalaya shuruucda caadiga ee hore yiil.

Cuqubada dilka waxaa ka mid noqon kara khiyaanada qaran sida jaajuusnimada, baylihinta goobta dagaalka, baylihinta hawlaha ciidamada, soo-hoggaaminta ciidamada cadaawaha iyo bixinta siraha qaranka oo cadaawaha loo gubiyo iyo hurinta cooladaha, burburinta iyo qarbudaada hantida ummadda, qaraxyada is-miidaaminta ee dadweynaha lala beegsado, faafinta cudurada sida xanuunada kala duwan oo halis gelin kara faya-dhowrka iyo caafimaadka dadweynaha guud ahaan sida sumeynta ceelasha dadweynaha ay biyaha ka cabaan, cunta sumeysan oo la rabo in dad gaan ah lagu laayo a�?a��mass and indiscriminate killinga��a�� iyo jariimooyin kale oo badan.

Umuurahaas marka ay dhacaan warbaahinta ayaa laga raba inay si feejigan u dareento dhibaatda dalka ku soo wajahan, sidaana ay warbaahintu ku qaadato doorkeeda ah qaylo-dhaanta waxaa afka shisheeyaha lagu yira a�?a��wake-up call or Whistelblowera��a��. Warbaahintu waxay kala saarta fasiraada dunuubtaas iyo mugga culeyska ay kala lahaan karaan inkastoo haddane warbaahintu aaney goa��aan ridi karin wixii laga yeeli lahaa madaama aan xilkaas loo igman.

Warbaahintu waxay u soo bandhigta dadweynaha tuhunka danuubta ay galaan ama wanaaga ay gaystaan dadka hoggaanka iyo maamulka siyaasadda ku jira iyo dadka kale ee wada hawl-maalmeedka idaaraga ee afka qalaad loo yaqaan “public administration“.

Warbaahinta waxaa kaloo xil ka saaran yahay inay soo bandhigto waxyaabaha bulshada xumaan u keeni kara taasoo loola jeedo in lagu saxo wixii qaldamay haddane geesta kale boogaadin karto wanaaga bulshada dhexdeeda u soo hoyan kara.

Marka warbaahinta ay yeeriso firirmbiga (siiriga) qatarta (whistle blower) waxaa sare u kaca dareenka dadweynaha waxaana isla markaana hawl-galaya haya��adaha hirgelinta shuruucda oo loo yaqaan a�?a��low enforcement agenciesa��a�� sida haya��adaha nabadsugidda, ciidamada qalabka sida, iyo shacabka hal-doorka ah ee mujtamaca. Intaa cunsur waxay iska kaashaan karaan sidii loo qaawin lahaa oo maaskarada looga qaadi lahaa kuwa raba inay dalka u horseedaan hadimada iyo ma-hadhada.

MASUULIYADDA SAARAN MUWADINKA

Qof kasto muwaadin ah waxay dan ugu jirta inuu dalku hormarsan yahay isla markaana uu nabadoon yahay madaama dalka lagu magacaabo dalka-hooyo waxaana magaca weyn hooyo loo siisay hooyo waa asaaska nolosha qofka iyo barbaarintiisa. Dalka waa meesha keli ah uu qofku ku dhaqan karo, ku dhisan karo oo uu ku korsan karo dhashiisa iyo wixii kale ay sii dhalaan. Waa meesha oo uu ka sammeysan lahaa aasaaska nolosha mustaqbalkiisa asagoo qofkaasi soo dooran karo amaseba la soo dooran karo si xor oo xalaal cidda uu ku aamini lahaa maamulidda arrimaha dalka iyo dadka guud ahaan isla markaana dalka ku dhaqeyo isku-xukunka qawaniinta oo asaaskeedu yahay diinta islaamka.

Waqtiyadan casriga hoggaaminta dalka waxaa loo gala tartan daah-furan oo xalaal ah oo aan lagu shuban karin waxaana meelaha qaar doorashooyinka kor ka ilaaliya khubaro calami ah si uusan goobaha doorashada ugaga dhicin musuq. Ayadoo xaaladu ay sidaasi tahay ayaa haddane ay dhici karta is-dabamarin ku shubasho.

Natiijada ka soo baxda doorashooyinka waa in loo hoggaansama haddii kale waxaa qalqal galaya qarannimada iyo dawladnimada waxana dalka uu ku sigan kara dagaalo sokeeye oo keena fara gelin shishiye aan dan iyo heelo ka lahayn dalka inuu arrimihiisa ka qunsado mooye.

AQOONTA WARIYAHA UU KU GUDAN KARO HAWSHIISA

Sida darteeda, dadka ka shaqeeya warbaahinta waa inay marka hore lahaadaan aqoon fiican oo ay masuuliyaddaas ku gudan karaan horumarinta danta dalka, dadka iyo adkeynta nabadgelyada si ay macallim ugu noqdaan dadwynaha la socda oo ay siiyaan macluumaad muhiim u ah nolosha, waxbarasho iyo maaweelo ma ahin suugaanta oo keli ah ee waa qoraalada aad u heer sareeya ee maanka iyo maskaxduba ay ka maqsuudaan. Waxay muuno lagu daydo u noqdaan jiilka cusub ee ku soo biiraya mehnadda isla markaana ay macallin u noqdaan dadka intiisa kale. Sida mehnadaha kale, qofka dooranaya inuu warbaahinta ka shaqeeya waxaa marka hore looga baahan yahay inuu soo qaato waxbarashada aasaasiga ah ilaa heerka Dugsiga Sare kaddibna, hadduu waqtigu u saamaxo, inuu doonan karo shahaadooyinka heerarka sarsare ee laga qaato kulliyaadka saxaafadda. Waa inuu yahay qof fahmo leh oo la socon kara waxyaabaha ka dhacaya adduunka guud ahaan iyo dalkiisa gaar ahaan ee xagga siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, difaaca iyo nabadgelyada.

Wariyuhu waa inuu leeyahay dhaqanka wax-aqrinta iyo dhageysiga waana inuu doonto sidii uu u baran lahaa luqooyinka ajnabiga kuwooda ugu waaweyn sida ingiriiska, Carabiga, Fransiiska iyo kuwo kale oo muhiimka ah howsha. Waayoo barashada luqooyinka waxay door weyn ka qaataan sidii uu wariyuhu ku heli lahaa aqoon-guud iyo sidii uu ku heli lahaa agab bari-taaraya waxyaabaha uu kolka lama huraan u ah inuu baahiyo si ay uga faaa��iideystaan dadka bartilmaameedka u ah (Target audience). Wariyaha waa inuu yahay qof ku taagaan anshaxa saxaafadda iskana ilaaliyaa agab uga daraya xaaladaha murugsan ee marka dalka la soo gudboonaada.

Wariyuhu wuxuu baran karaa hab-qoraalka iyo soo bandhigidda barnaamijyada a�?a��script writing and presentation stylea��a��.

LA SOCO QAYBTA 2AAD

LikeShow More Reactions

Comment

Comments
Ali Aslub
Ali AslubA�Masha,allah adeerA�Abdulkadir WalayoA�waa Qormo aad u qiimo badan waxa badan laga baran karo Wan ka sugena qaybta 2aad.

A�A�ReplyA�A�

1

A�A�1 hr

Remove

Assad Baarbe Fareey
Assad Baarbe FareeyA�Masha,Allah Dr Abdulkadir Walayo, wacyi gelin aad u qiimo badan waxa badan laga baran karo.A�

You must be logged in to post a comment Login