Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowalada Itoobiya oo Cambaaraysay Qaraxii Muqdisho

Dowlada Itoobiya ayaa Cambaaraysay Falkii sahalay lagu weeraray Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho halkaa oo lagu dilay dad kala duwan kadib qaraxyo is xig xiga oo halkaa ka dhacay.
Raii,sul Wasaaraha Itoobiya Desligen ayaa falkaa ku tilmaamay mid argagaxiso ah waxa uuna sheegay in ay aad uga xun yihiin falkaa nuucaas ee lala eegtay Xarunta Hay,addaha QM .

Waxa uu sheegay in lagama maarmaan tahay in dagaal lala galo Kooxaha Argagaxisada ah ee gacan saarka la leh Alqaacida waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa.
Raii,sul Wasaaraha itoobiya waxa uu uga tacsiyadeeyay Umadda Soomaaliyeed iyo QM dadkuu Qaraxyadaa ku dhintay waxa uun sheegay in Itoobiya sii wadi doonto tageerada Dowlada soomaaliya.
Ugu danbayntii ayuu sheegay Raii,sul Wasaaraha Itoobiya in la taageero ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM si ay uga adkaadaan Kooxaha wali ku harsan Dalka Somaaliya kuwaa uu sheegay in awoodoodii sii dhamaatay.

You must be logged in to post a comment Login