Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowlada Kenya ma fulisay sharuudihii ku xernaa siideysmada saraakiishooda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya ayaa sheegaya in sii deesmada Saraakiil Kenyaan oo gacanta ugu jiray Al Shabaab ay ku timid wadahadal dhexmaray dowladda Kenya iyo Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa horay sharuud ugu xirtay siideesmada labada Sarkaal Yesse Mulle iyo Fredrick Wainaina taasi oo ahayd in Kenya hadii ay dooneyso nolasha ragaani ay sii deyso maxaabiista muslimiinta ee u xiran.
Qeyb ka mid ah sharuudahaasi oo aan la xusin ayey fulisay Kenya in laga soo xigtay Shabakadaha Shabaab oo sii xiganaya Saraakiishooda Warfaafinta.
Al Shabaab ayaa sheegay in wali ay gacanta ugu jiraan qaar ka mid ah maxaabiista Kenya oo meelo kala duwan oo dalka Kenya ah laga soo afduubay.
Al Shabaab ayaa dilay Sarkaal sare Jonathan Kangogo oo lala qabtay raga lasii daayay kadib markii Kenya ay ka dhaga adeegtay inay Shabaab kala xaajooto codsigooda ah in lasii daayo qaar ka mid ah maxaabiista Muslimiinta ee u xiran si Saraakiishooda loogu wareejiyo.
Dowladda Kenya waxa ay ku gaabsatay in sii deesmada muwaadiniinteeda ay ku timid wada hadal laakiin ma aysan qeexin in ay u fulisay rabitaankoodii ahaa hadiiba ragaan noloshooda la doonayo in lasii daayo maxaabiista Kenya u xiran.
Yesse Mulle iyo Fredrick ayaa markoodii hore laga soo qafaashay deegaanka Soomaalida ee NFD oo hada ay maamusho Kenya.
Al Shabaab dadka gacanta ugu jiro waxaa ka mid ah Labo Sarkaal oo Boolis ah kuwaas oo dhawaan ay kasoo qabteen Weerar ay ku qaadeen Deegaanka Dhamajaaleey ee ka tirsan NFD Kenya.

You must be logged in to post a comment Login