Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowlada Mareykanka oo kusoo Biirtay Cambaareynta Qaraxii shalay ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Dowlada wadanka Mareykanka ayaa si kulul u dhaleeceeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee uu dhiigga badan ku daatay kaasoo shalay ka dhacay afaafka hore ee Ex-Fiyoore war uu soo saaray wakiilka dowlada dalka Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa lagu cambaareeyey qaraxii Muqdisho ka dhacay.
Warka kasoo baxay wakiilka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu si weyn uga xun yahay weerarka naxariis darrada ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho James Swan ayaa u tacsiyeeyey dadkii ay eheladooda dhibaatadu kasoo gaartay qaraxaas.
Warka kasoo baxay James Swan ayaa lagu yiri qaraxaas waxaa masuul ka ahaa kooxda alshabaab oo ah koox diidan horu marka iyo nabadda dalka Soomaaliya kuwaas oo ku caanbaxay gudamaadka Shacabka Soomaaliyeed ayuu hadalkiisa kusii daray wakiilka dowlada Mareykanka u qaabilsan arimaha wadanka Soomaaliya James Swan.
Mareykanka ayaa sheegay inuu taageersan yahay dowlada Soomaaliya isla markaane uu gacan weyn ka geysanayo la dagaalanka alshabaab James Swan ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeeed iney is garab taagaan dowladooda.

You must be logged in to post a comment Login