Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowlada Somalia oo Xayiraadii dhanka Safarada ka qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur

Penegra no rx, cheap lioresal.

Dowladda Soomaaliya ayaa xayiraadii dhanka safarada ee horay loogu soo rogay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ka qaaday, iyadoo markii u horeysay afar bilood kaddib weerarkii lagu qaaday gurigiisa uu safar dibadda ah aaday.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa boggiisa rasmiga ee Facebook soo geliyay, sawir uu ku muujinayo inuu ku sugan yahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana safar u yahay dalka deriska ah ee Kenya.

C/raxmaan C/shakuur oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in xayiraada dhanka safarka ay ka qaaday Maxkamadda, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka noqotay dacwadii ay hofay ugu soo oogtay.

Xeer Ilaalinta ayaa horay ku soo eedeysay dambi qiyaano qaran, inqilaab iyo kuwa kale, hase ahaatee wax caddeymo ah ma horkeenin Maxkamadda, intii ay socotay dhageysiga dacwadiisa.

Siyaasigan ayaa 17-kii bishii December ee sanadkii hore gurigiisa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan NISA, waxaa weerarkaas lagu dilay shan ka mid ah Ilaaladiisa, isagana waa lagu soo xiray, waxaa uu xabsiga ku jiray dhowr cisho, inkastoo markii dambe ay sii deysay Maxkamadda Racfaanka.

Kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo qaabka lagu weeraray gurigiisa ayaa dhaliyay doodo iyo suai??i??aalo, waxaana kiiskaas uu soo jiitamayay dhowr bilood oo ugu dambeyn haatan u muuqato in sulux iyo heshiis hoose ah lagu dhameeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda ay bixisay diyada ilaaladii lagu dilay weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur, waxaana diyada la siiyay qoyskii dadkii dhintay iyo odayaasha beesha, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Sabriye ayaa la sheegay inuu door ku lahaa soo afjarida xiisadan, maadaama ay isku heyb ahaayeen Mr Warsame.

C/raxmaan C/shakuur oo horay u soo noqday Wasiir iyo Musharax Madaxweyne ayaa ah nin cod kar ah, si aad ah u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu bartiisa Facebook iyo Twitter-ka u adeegsadaa gudbinta afkaartiisa siyaasadeed, waxaa tiro dhowr jeer ay heyai??i??adaha ammaanka ka hakiyeen kulamo siyaasadeed uu qaban lahaa.

order Brand Viagra online cheap, purchase zithromax.

You must be logged in to post a comment Login