Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Ingiriiska oo maamulka Somaliland ugu baaqday inay la midowdo Soomaaliya, una balanqaaday xubin sare oo ka mid ah sedexda jago ee ugu sareysa dalka

Warar aynu ka helnay ilo diplumaasyeed oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in safarkii uu dhawaan uu ku tagay dalka Ingiriiska Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmad Max’ed Max’uud {Silaanyo} ayaa loogu sheegay in Ingiriisku aysan ogeyn kala go’a Soomaaliya, loona baahanyahay inuu wada-xaajood iyo wadahlo la galo dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh, arrinkaasina ay kaalinteeda ciyaareyso dowladda Ingiriiska.

Xogaha hoose oo ka soo baxay safarkii uu Ingiriisku tagay Siilaanyo ayaa sheegaya in Mr. Silaanyo si cad loogu sheegay in dowladda Soomaaliya uu ku biiro maamulkiisuna heshiis waxwada qeybsi iyo midow ah la galo dowladda Soomaaliya, loona ogolyahay Somaliland xubin sare oo ka mid ah sedexda jago ee ugu sareysa dalka, waxaana loo sheegay Siilaanyo sida ay warbixintu sheegayso in shirka 7-da May ka dib uu isu diyaariyo sidii uu dowladda Soomaaliya ay ula midoobi laheyd Somaliland, isla markaasna ay qaataan jagada Ra’isul wasaaraha, Siilaanayana uu noqdo Ra’isul wasaaraha dowlada Federalka oo ku dhisan midowga Ex. labadii gobol ee 1960-kii midoobay.

Sida warku sheegayo wasiirada cusub ee uu Ra’isul wasaare u noqon doono Mr. Silaanyo ayaa ku shaqeyn doona magaalada Hargeysa, iyadoo uu Baarlamaankuna ku shaqeyn doono magaalada Muqdisho, halka Madaxweynahana uu ku shaqeyn doono xarunta madaxtooyada ee Muqdisho, iyadoo markii loo baahdana uu howlaha muhiimka ah u tagi doono magaalada Hargeysa waa sida ay dowladda Ingiriisku damacsantahay.

Sida xogtan sheegayso Mr. Silaanyo ayaa qorshahan waxaa u soo gudbiyey wasiirka arrimaha dibadda dalka Ingiriiska William Huge, iyadoo Mr. Huge uu Silaanyo ka codsaday inuu ka soo fekiro qorshahan illaa 7-da May markaas oo shirka loogu hadlayo arrimaha Soomaaliya, ayna shir wada gudoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud iyo Ra’isul wasaaraha dalka Ingiriiska David Carmon.

You must be logged in to post a comment Login