Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Itoobiya oo MaraaAkiib iibsatay iyo Axmed Madoobe Oo ka Qeyb Galay goobtii Maraakiibta lagu soo Bandhigayay.

w-0574dee8f0

Malegra no rx, acquire lioresal. w-68577315feMagaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti waxaa lagu qabtay Xaflad lagu shaacinayay in Dowladda Itoobiya ay iibsatay laba Markab oo ah nooca Shixanaha daabula.

Kulankii lagu soo bandhigayay Maraakiibta ay iibsatay Dowladda Itoobiya waxaa ka qeyb galay hogaamiyaha kooxda Raaskaambooni Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa.

Itoobiya ma lahan wax bad ah, lama oga sida ay ka yeeli doonto Maraakiibta ay iibsatay, hase yeeshee waxaa shakiga ugu weyn keenaya waxa isku soo beegay booqashada Axmed Madoobe ee Kismaayo iyo Maraakiibta ay Itoobiya soo bandhigtay.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Heliemariam iyo Hogaamiyaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabaddii Maraakiibtaas lagu soo bandhigayay.

Dhinaca kale warar soo baxaya waxay sheegayaan in tirada Maraakiibta Itoobiya soo iibsatay ay yihiin 9 Markab, hase yeeshee goobta lagu soo bandhigay oo kaliya laba Markab.

somalimemo.net

You must be logged in to post a comment Login