Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Kenya Oo Aqoonsi Dublumaasiyadeed Siisay Maamulka Somaliland.

Viagra Soft no rx, buy clomid. Maamulka Somaliland ee ka taliya gobolada dhaca waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda Kenya ay aqoonsi dublumaasiyadeed ka heshay.

Maxamuud Cabdullaahi Sifir oo ku magacaaban qunsulka Somaliland ee Kenya ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in dowladda Kenya ay wax u eg aqoonsi u muujisay maamulka Somaliland isku magacaabay.

“Dowladda Kenya waxay qorshaynaysaa in ay dhawaan qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa,xariirka nagala dhexeeye Kenya waa sifo dublumaasi ah waana tallaab horay loo qaaday”ayuu yiri Sifir.

Saraakiil ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa maalmo ka hor socdaal ku tegay magaalada Hargeysa waxayna ukuur gelayeen xaaladda magaalada iyo halka ay xafiisk ka furanayaan.

“Mas’uuliyiin ka socday dowlada Kenya ay socdaal ku tegay Hargeysa waxayna eeganayeen halka ay qunsuliyadda ka furan doonaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sifir.

Kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen golaha wasiirada Kenya ayay ku ansixiyeen in qunsuliyado laga furo Hargeysa iyo Kismaayo.

Dowladda Kenya oo ciidankeedu xoog ku heystaan magaalooyin katirsan Jubbada Hoose iyo Gedo ayaan wax aqoonsi ah u heyn dowlad ku sheegta Xasan Sheekh Madaxda u yahay waxayna qunsuliyado ka furanaysaa magaalooyin ay maamullo goboleedyo ka taliyaan.

SomaliMedia,Muqdisho

You must be logged in to post a comment Login