Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in dagaal toos ah ay la geli-doonto Xarakada Al-shabaab

Saraakiisha Malitariga Mareykanka ee Africa ayaa sheegay inay ku jiraan diyaargarowgii ugu danbeeyay ee ku aadan sidii ay kaga hortagi lahaayeen Hanjabaadaha iyo cabsida kaga imaaneysa sida ay yiraahdeen ururweynaha Al-Qaa’ida gaar ahaan bay yirhaahden ururada xariirka la leh ee ka jira Qaarada Africa.

Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan waaxda Difaaca Mareykanka,ciidamada Mareykanka ee ku sugan qeybo ka mid ah dalalka Africa waxaa jira dhaqdhaqaayo ay wadaan ciidamada mareykanka iyo qaar kamid ah dalalka afrka kuwaas oo sida ay yiraahdeen la doonayo inay kula dagaalamaan xarakada Al-shabaab ee ka howlgasha bariga Africa, sarkaal ka tirsan Malitariga Mareykanka ee Africa ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay qaateen tababar ku filan,kaliyana ay sugayaan amar kaga yimaada Saraakiisha Mareykanka ee Bentagonka .

Mareykanka oo ka hadlay ujeedkiisa ka danbeeyay imaanshaha Africa ayaa ku tilmaamay labo u jeedo oo kala ah difaacida danaha Mareykanka iyo inuu ka hortago sii fiditaanka kooxaha xiriirka la leh Al-Qaa’ida ee Bariga iyo galbeedka Africa waa sida uu hadalka u dhigaye ,Sidoo kale Mareykanka ayaa taageera howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya,kuwaas oo looga soo horjeeda Al-shabaab.

You must be logged in to post a comment Login