Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Masar oo sheegtay in ay kor dhinayso deeqaha waxbarasho oo ay siinayso ardayda Soomaaliyeed

masar-flag-150x150
celebrex without prescription, purchase clomid.

Sida laga soo xigtay Afhayeenka Madaxtooyada dalka Masar Calaa Yuusuf, dowladda Masaaridda ayaa ku dhawaaqday kordhinta deeqaha Waxbrasho oo la siinayo ardayda Soomaaliyeed ee dhameysatay heerarka kala duwan ee Waxbrasho

Mudane Calayaa, waxa uu tilmaamay in xeerka waxbrasho ee Somaaliya iyo Masar u dhexeeya uu qabo in sanadkasta deeq Waxbasaho oo gaareysa 50 arday iyo 40 dheeraad ah oo ay iska kaashanayaan Wasaradda arimaaha dibadda ee Masar iyo Safaaradda Soomaliya ee Qaahira.

Hase ahaatee, waxaa hadda fursaddan ku dhawaaqay Madaxweynaha Masar oo ku dhawaaqay in tirada arday deeqaha Waxbarasho ee Soomaalida la gaarsiiyo 200 oo arday, taas oo ay qeyb ka ah kor u  qaadiida xiriirka ka dhexeeya labada shacab.

Madaxtooyada Masar waxa ay sidoo kale sheegtay in   fursaddaan ay noqondoonto mid ardayda Soomaalyeed ay uga faaa’iideysaan khibaradda dhinaca aqoonta, si loo diyaariyo dad  aqoonkoodu sareyso isla markaana ka qeyb qaata hormarinta dalka Soomaaliya.

Arday badan oo Soomaaliyeed ayaa horay uga aflaxay Jaamacamadaha  ku yaala dalkaasi, iyada  oo ay ugu horreyso Jaamacadda faca weyn ee Jaamactul Azhar.

You must be logged in to post a comment Login