Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Somalia oo laga Caawinayo Hirgelinta Federaalka iyo Garsoorka Dalka

buy Eriacta online, zithromax reviews.
Dalalka Saudi Arabia iyo Switzerland ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan horumarinta nidaamka federaalka dalka iyo garsoorka, kaddib markii xubno dalalkan ka tirsan ay la kulmeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Kulan Muqdisho ku dhexmaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed iyo xubno golihiisa wasiirrada ka tirsan wafdi uu hoggaaminayo xog-hayaha arrimaha dibadda Switzerland, Yosef Rosier ayay kaga hadleen sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa horumarinta nidaamka federaalka oo ay dowladdu dardar-gelinayso hirgelintiisa.

Mudane C/weli Sh. Axmed ayaa warbaahinta u sheegay kulanka kaddib inay kala hadleen wafdiga Switzerland sidii looga caawin lahaa federaalka oo ay doonayaan inay dalka oo dhan ka hirgelinayaan.

“Xukuumadda Switzerland waxay naga caawinaysaa nidaamka federalka, runtiina waa tallaabo horumar leh,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u sheegay warfidiyeenka, isgaoo xusay in Rosier uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Yosef Rosier oo isaguna dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu booqasho ku yimaado Muqdisho, isagoo xusay inay ku faraxsan yihiin horumarka ay dowladdu sameysay dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, wuxuuna sheegay in ra’iisul wasaaraha ay isla meel-dhigeen in ay Soomaaliya ka caawiyaan arrimo ay ka mid yihiin; hirgelinta federaalka, sugidda amniga, dhaqaalaha dalka, siyaasadda iyo kuwo kale.

Dhanka kale, wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya, Faarax Sheekh C/qaadir ayaa dhankiisa magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga kula kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sacuudiga, Amiir C/casiis bin Cabdalla Ala-sacuud, isagoo kala hadlay xaaladda dalka ku saabsan iyo sidii Sucuudigu ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta garsoorka dalka.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa kulanka kaddib sheegay inay dowladda Soomaaliya ka caawin doonaan arrimmo ay ka mid yihiin dib-u-heshiisiinta, waxbarashada, garsoorka, caafimaadka, korontada, biyaha iyo dib u dhiska waddanka.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2014/Oct/wararka_maanta1-48538.htm#sthash.oA3bhkjd.dpuf

You must be logged in to post a comment Login