Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Uganda oo baareysa Al Shabaab ku sugan Dalkeeda

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowlada Uganda ayaa lagu sheegay in Ciidamda Uganda ay ku raad jogaan 4 babauur oo ay sheegtay in ay la socdaan Kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ka soo galay dalka Uganda dhanka Xuududka Kenya uu la wadaago.

Ciidamo dheeraad oo Boolis ah ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka waa wayn ee dalka Uganda, si loo xaqiijiyo amaanka dalka Uganda loogana hortago weeraro Xarakada Shabab ay la damacsan yihiin Dalka Uganda.

Afhayeenka Ciidamada Booliska dalka Uganda Fred Enanga ayaa u sheegay wargayska Saturday Vision in ay jiraan macluumad sheegaya Kooxo ka mid ah Al Shabaab oo si dhuumayaalaysi ah ku soo galay dalka Uganda kuwaasi uu ku tilmaamay in ay la socdeen 4 Gaari oo xardhanaa calaamada UN-Ka.

Fred Enanga, Afhayeenka Ciidamada Booliska Uganda ayaa sidoo kale xusay in 8 Ruux oo Soomaali kuwaasi oo dalka Uganda ka soo galay dalka Kenya lagu qabtay Kampala islamarkaana Xabsi loo taxaabay.

Enanga ayaa ka dalbaday Shacabka in la shaqeeyaan Ciidamada amaanka ee Dowladda Isagoona ugu baaqay in Booliska ay ku soo wargeliyaan hadii ay arkaan Kooxo ay ka shakiyeen si looga hortago Weeraro Al Shabaab ay ka geystaan Dalka Uganda.

Dalka Uganda oo qayb ka ah Ciidamada jooga Soomaaliya ee ku howlgala magaca AMISOM ayaa waxaa sanadkii 2010 ka dhacay Weeraro xoogan Iyadoona Mas’uuliyada Weeraradaasi ay dhabarka u riteen Ururka Al Shabaab. buy nolvadex online, online Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login