Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Yemen iyo Xoogaga Xuutiyiinta oo gaaray heshiis xabad joojin ah, ka dib dagaal faraha looga gubtay

Dowladda Yemen iyo Xoogaga Xuutiyiinta, ayaa waxay goor dhow gaareen heshiis xabad joojin ah, xilli dagaal qaraar uu galabta ka dhacay Xeendaabka Madaxtooyada Magaalada Sanca.

Labada dhinac, ayaa waxay sameeyeen guddi kaga qayb qaata wada xaajood, ay labada dhinac isla wada gaaraan, iyadoo markaasina la ilaalinaayo xasiloonida Xarunta Wadanka Yemen ee Sanca.

Qoysaska ku nool agagaaraha Madaxtooyada Yemen, ayaa waxay sheegeen in dagaalka leesku adeegsaday hubka cul culus, sidoo kalana la arkaayay madaafiicda oo ku soo hoobaneysa nawaaxiga Madaxtooyada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yemen waxay sheegtay in dagaalka uu qaboobay, iyadoo soo xiganeysa qoysaska ku nool agagaaraha Madaxtooyada Magaalada Sanca.

Wasaaradda Warfaafinta Yemen, ayaa waxay baahisay in uu caafimaad qabo Madaxweynaha Yemen Abed Rabbo, isla-markaana uu ku sugan yahay goob uu ammaankeedu sugan yahay.

generic doxycycline, generic zithromax. Wasaaradda Caafimaadka Yemen, ayaa iyaduna xaqiijisay in dagaalkii maanta ay ku dhinteen ugu yaraan sagaal ruux, halka 67 kalana ay ku dhaawacantay.

Xoogaga Xuutiyiinta, ayaa waxay ka horyimaadeen Dastuurka cusub ee loo sameynaayo dalka Yemen, xilli ay soo baxayaan warar sheegaaya in la daabacay nuqulo ka mid ah Dasturkaasi.

Beesha Caalamka, ayaa ka walaacsan xaalada murugsan ee ka jirto dalkaasi, waxayna dareen ka muujineysaa in Dowladda Yemen ay noqoto mid fashilmata.

You must be logged in to post a comment Login