Dr. Maxamed Jaamac Salaad oo xalay ku geeriyooday dalka Talyaaniga

Filed under: English news,Wararka,Warbixino |

Ina Lillaahi wa inaa Ileyhi rajicuun.

Waxaa Alle ha u naxariisteen xalay ku geeriyooday dalka Talyaaniga Dr. Maxamed Jaamac Salaad oo ahaa dhakhtar  caan ku ah daweynta xanuunada ku dhaca neerfaha.

Dr Maxamed Jaamac oo guud ahaan siweyn looga garanayay dhulka ay Soomaalidu degto ayaa xarun caafimaad ku lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana dhakhtarka dawayntiisa looga imaan jiray gudaha dalka iyo dibad-diisa.

Dhakhtarka ayaa mudooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanyay isbitaal ku yaala dalka Talyaaniga ,isaga oo u geeriyooday xanuunkaas.

Dhammaan ummada Soomaaliyeed aya u tacsiyeynaya qoyski u ka geeriyooday.

 Dhakhtarka ayaa jaamacad-da ka dhigtay magaalada Polonyo ee dalka Talyaaniga ,isaga oo bartay takhasuska xanuunada ku dhaca neerfaha ,waxaana markii uu soo dhamaystay uu u soo wareegay Somalia sanadku markii uu ahaa 1980-kii ,halkaasi oo uu ka shaqo bilaabay.

Maxamed jaamac ayaa lagu xasuusan doonaa in uu dib u dayactiray cisbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ,isla markaana wax ka dhisay qaar kamid ah Jaamacadaha caluumta caafimaadka ee Somalia.

Ugu danbayn, Dhakhtarka ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gaalkacyo ,iyada oo aaskiisa ay ka soo qayb-gali doonaan saaxibo badan ,eheladiisa iyo qaar kamid ah dadka ay is-garanayaan dhakhtar Maxamed Jaamac.

Si gaar ah waxaa ugu tacsiyeynaya Omar Sheikh Aden,Mohamed Bashir iyo Sucaad Sheikh Nur oo ay saaxiibo naftu ka dhexeyso yihiin Leyla Jaamac Salaad.

Ina Lilahi wa Ina Ileyhi rajicuun.Ihay janatu Fardowsa ha ka waraabiyo Maxamed Jaamac .

Posted by on August 9, 2017. Filed under English news, Wararka, Warbixino. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply