Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Si kulul Ugu Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday UNDP

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabishan Soomaaliya, Nicolas Kay ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhaweynayo tacsida qaran ee dowladda iyo garab istaagooda, waxuuna si xoog leh u canbaarayey qaraxii lala eegtay shalay xarunta QM.

“Hay’adaha QM waxay dalka u joogaan sidii ay caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed, mana niyad jabinayso qaraxyadii lagu qaaday xarunta QM, waxaana halkaan uga tacsiyeeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxyada oo isugu jira Soomaali iyo shaqaale Ajanabi ah, ficilkaana maahan mid naga hor istaagaya inaan Soomaaliya ka sii shaqayno” ayuu yii Nicolas Kay.

Ergayga qaramada midoobay ayaa hoosta ka xariiqay inay si xowli ah ku sii socon doonto garab istaaga dowlada Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya ayaa hormuud ka ah shaqooyinka aan u joogno dalka, waxaana diyaar u nahay in markasta kula shaqyano duruufaha adag ee soo wajaha shaqada aan u hayno shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkan uga mahad celinayaa ciidanka Soomaaliya iyo shaqaalaha QM oo ku jiray xarunta oo badbaadiyey dad faro badan” ayuu yiri Nicolas Kay.

Shabaab ayaa shalay waxa ay weerar ku qaadeen UNDP iyaga oo saacado dhan maamulaya qeybo ka mdi ah dhismaha xaruntaasi iyada oo Afhayeenka Shabaabna uu sheegay in danta laga lahaa weerarkaasi lagu duuleestay.

You must be logged in to post a comment Login