Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ethiopia: Oo sheegtay in ay dishay Dagaalyahano ka tirsan Ururka ONLF

Dolwlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in ay dishay ku dhawaad 6 Dagaalyahan oo katirsan ONLF halka 12 kalana ay gacanta ku dhhigtay.

Xukuumada Addis Ababa ayaa sheegtay Wargayska Sudan Tribine in AY Dagaalyahanadani ay kasoo gudbeen Xadka Ethiopia uu la wadaago dalka Sudan si ay Weeraro Argagixiso uga fuliyaan dalka Ethiopia.

Ethiopia ayaa sidoo kale ku eedaysay Xukuumada Asmara in ay soo taba bartay Dagaalyahanadi si ay Weeraro uga fuliyaan dalka Ethiopia ay qalalaasana ka fuliyaan gudaha dalka Ethiopia.

Dagalyahanada ONLF ka tirsan ayaa sida ay Ethiopia sheegtay lagu dilay Deegaanka Humera ee Gobalka Tigrayda ay dagto ee Ethiopia.

Dowlada Eratria ayaa iyadoo marar farabadan gaashaanka u daruurtay Eedaymaha ay Ethiopia u soo jeedisay iyadoo sheeegtay in aysan maalgalin ama taageerin Ururo Argagaxiso ah.

You must be logged in to post a comment Login