Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin: Askar badan oo ku dhimatay qarax caawa ruxay Boosaso iyo Xaalada oo qasan

Faah Faahin: Askar badan oo ku dhimatay qarax caawa ruxay Boosaso iyo Xaalada oo qasan

Qarax aad uxoogan ayaa caawa ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari iyadoo qaraxaas lala eegtay ciidamo katirsan kuwa maamulka Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan xoogan uu ka dhacay duleedka magaaladaasi kaasi oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Puntland.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Sugure waxaana uu ku yaallaa duleedka Boosaaso wadada aada dhinaca Buuraha gal-gala oo Al shabaabka Puntland ku sugan yihiin.
Wararka ayaa xaqiijiyinaya in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen 5 Askari tiro intaasi kabadana way ku dhaawacmeen, dhamaan askartaas ayaa ahaa kuwa maamulka Puntland
Cusbitaalka Magaalada Boosaaso ayaa la sheegayaa caawa in lagu dabiibayo dhaawacyada Askartii kusoo waxyeelowday qaraxii galabta ka dhacay deegaanka Sugure ilaa haddana ma jirto wax ka hadlay qaraxaasi oo mas’uuliyiinta Puntland ah.

You must be logged in to post a comment Login