Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin: Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo shacab ah ku laayay degmada Afgooye

Wararka laga helayo magaalada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay dad shacab ah laayeen.
Ciidamadan ayaa afar ruux oo shacab ah ku dilay gudaha degmadaas Afgooye waxaana sidoo kale ay dhaawaceen ilaa shan kale sida dad goob joogayaal ah ay xaqiijiyeen.
Dadka dhintay ayaa ahaa dad qaad ku iibinayay gudaha magaalada Afgooye waxaana ay ubadnaayeen haween ay rasaas la dhaceen ciidamada dowlada ee Afgooye.
Cabdullahi Cabdi Axmed “Lideey oo ah Gudoomiya degmada Afgooye ayaa sheegay inuu jiro faalkaas ay ciidamada dowlada ku layeen dadkaas shacabka ah.
“Kaliya waxaan ognahay in ciidamadan aay yihiin Militeriga dowlada lana yaqaan guutada ay hoostagaan, waxaa ay ka yimaadeen banaanka magaalada mana naqaan sababta ay dadkaas ulaayeen “ayuu sheegay gudoomiyaha Afgooy.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan kaga dalbanayaan inay soo faraageliso arintan ay sameeyeen Militeriga Soomaaliya.
Maahan markii ugu goreysay oo ay ciidamada dolwada Somaliya ku laayaan dad shacab ah oo aan waxba galabsanin goobaha ay kala waareegen Alshabaab.

You must be logged in to post a comment Login