Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah-faahin: Dagaal caawa ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho

Dagaal daqiiqado kooban socday ayaa salaaddii maqrib kadib ka dhacay xaafadda Gubta Ciisa Cabdi ee degmada Dayniile magaalada Muqdisho.

Dagaalka waxaa soo qaaday Alshabaab oo weeraray fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafaddaasii iyadoo dadka deegaanku ay baqdin soo wajahday.

Salaaddii maqrib oo dadka xaafadda ay ku tukadeen jawi cabsi ah ayaa waxaa la soo sheegayaa in iminka xaaladdu ay tahay mid yara deggan.

Ciidamo hubeysan ayay dadka xaafadda Gubta Ciisa Cabdi sheegeen inay weerarka geysteen isla markaana ay dib kaga laabteen.

Waxaa lagu warramay inuu jiro khasaare soo kala gaaray ciidamada DF iyo Alshabaab hase yeeshee si dhab ah aan loo ogaan karin.

You must be logged in to post a comment Login