Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin kasoo baxaysa Weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Gudaha Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay Kooxda Shabaab ku soo qaaday Gudaha Magaalada Muqdisho.
Askar ka tirsan ciidamada Dowlada Somalia oo afur u doontay suuq ku yaala agagaarka cisbitaalka degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho ayaa weerar gaadmo ah waxa ay kala kulmeen dagalamayaal ka tirsan xarakada al-shabab.
Labo kamid ah askarta halkasi afurka ka iibsanaysay ayaa weerarka lagu dilay qof kaloo nabadoon ahna sido kale werarkaasi ayuu ku geeriyoday.
Werarkasi waxa ka dhashay sido kale dhawaca 5-qof oo kamid ah ganacsatii ku sugneyd suuqaasi.
Gudoomiyaha Degmada Deyniile Xireey Muxiyidiin Cumar ayaa xaqiijiyay dilka askartan waxaana uu tilmaamay in xiligii dilkaas uu dhacayay dadka ay ku mashquulsanaayeen afur.
Sidoo kale gudoomiyaha waxa uu inoo sheegay sida hada ay tahay xaalada Degmada ayna wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka.
Magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay weeraro dhowr ah oo gallaaftay nolosha dad shacab ah askar shisheeye iyo kuwa dowlada Xasan Sheekh.
Xigashao:warqaad.com

You must be logged in to post a comment Login