Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin kasoo baxaysa weerar qasaaro sababay oo lagu dhacay Xawaalada Kaah ee Boosaaso

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay maanta koox hubaysani weerareen Xarunta Xaawadda Kaah ee magaalada Boosaaso.
Kooxdan hubeysan oo u dhacday gudaha xawaaladda, ayaa waxaa la sheegayaa inay qaateen lacag aan cadadkeeda la sheegin, ka dibna ay baxsadeen.
Riix Halkan si aad udhagaysato qaabka ay wax udhaceen
Mid ka mid ah shaqaalaha oo dhaawacan ayaa sheegay in kooxda hubaysan ay banaanka ku soo dileen waardiyihii xawaaladda gudahana ay ku dileen mid ka mid ah howl wadeenadda xawaaladda.
Mas’uuliyiinta Laamaha Ammaanka ee Bari, ayaa sheegay inay ku howlan yihiin baaritaanka cidda geystay weerarka, isla-markaana aaney jirin cid ay u soo qabteen weerarka Xawaaladda Kaah.

You must be logged in to post a comment Login