Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin:-Qasaaraha Ka Dhashay Weerar Ay Argigixisadu Ku Qarxisay Maqaayad

Qarax Coffe OromoFaah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar ay argigixisadu la bartilmaameedsatay maqaayad ay ku shahaayeen shacab Soomaaliyeed oo ku taala wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan argigixisanimo oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa naftii halige ka tirsan kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab waxa uu la eegtay dad shacab ah oo ku shaahayey maqaayad ka mid ah goobaha ganacsi ee ugu mashquulka badan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaana maqaayadan lagu magacaaba Coffe Oromo.

Dad gaaraya 10ruux oo isugu jira dadkii maqaayada ku shaahayey iyo shaqaalaha ka shaqeynayey goobta ay argigixisadu bartilmaameedka ka dhigatay ayaa ku geeriyooday weerarkan waxaana ku dhaawacmay in kabadan 15 ruux sida ay dhaqaatiirta isbitaallada Muqdisho xaqiijiyeen.

Weerarkan argigixisanimo ayaa ah mid dhacay xili ay ay hay’adaha ammaanka dalka wadeen mudooyinkii lasoo dhaafay dadaallo xoogan oo ku aadan in ammaanka la adkeeyo waxaana taasi ay keentay in Muqdisho ay noqoto goob ka caagan weerarrada bahalnimo ee ay Aal-Shabaab fuliyeen,hay’adaha ammaankuna waxey ka hor tageen shirqoollo u badan qaraxyo oo argigixisadu usoo maleegeen shacabka Soomaaliyeed.

Falkan waxa uu muujinayaa sida loo wiiqay awoodda kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab oo hada inta badan dalka magaalooyinkii ay ku sugnaayeen looga xoreeyey howlgallo ay wadajir u fulinayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. buy Kamagra Polo, buy clomid. Qarax-Coffe-Oromo

You must be logged in to post a comment Login