FAAH FAAHIN: Sababta keentay iscasilaada wasiirka gaashaandhigga iyo taliyihii ciidanka Xoogga

Filed under: Wararka |

A�A�

Sida laga shaaciyay Kulankii maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaA� waxaa xilkiisii iska casilay Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C.rashiid C/llaahi Maxamed kaas oo A�istiqaaladiisa u gudbiyay Raa��iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Iscasilaadda Wasiirka ku timid arrimo shaqsi oo u gaar ahA� Wasiirkii Gaashaandhiga Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed sida uu hadalka u dhigay.

Is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka dambeysay wax yar un kaddib markii uu is casilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka Taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod.

Warar Hoose oo ayaa cadeynaya in marka laga soo tago qodobada ay ku xuseen War Murtiyeedkoodii Hoggaamiyayaahsa Maamul Goboleedyada dalka ee dhawaan ku shiray Magaalada Kismaayo ay jiraan qodobo kale oo si hoose ay iskula gaareen oo ay ka mid yihiin in Hoggaamiye kasta oo ka tirsan Maamul Goboleedyada dalka uu dadaal ku bixiyo sidii ay isu casili lahaayeen ugu yaraan 2 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Raa��iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirkii Gaashaandhiga ee maanta Iscasilay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa ka mid ahaa Xubnaha Golaha Wasiirada ee ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed oo uu majaraha u hayo Madaxweyne ShariifA� Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale Hoggaamiyayaasha kale ee A�Maamul Goboleedyada ayaa la tilmaamayaa in ay dadaal ugu jiraan in ay ku qanciyaan Wasiirada deegaanadooda ka soo jeeda in ay ku qanciyaanA� si ay isu casilaan.

Hayeeshee dhinaciisa Raa��iisul Wasaare Xasan Cali KheyreA� ayaa Saacado ka hor Iscasilaadda Wasiirka Gaashaandhiga Munaasabadda ka dhaceysay Muqdisho hadal uu ka jeediyay ka muujiyay in dowladdu aysan wax wal wal ah ka qabin qorshayaasha lagu doonayo in lagu dumiyo isagoo cod dheer ku sheegay in hoggaanka dowladda haatan kuwii niyad jabi jiray oo kale.

Raa��iisul Wasaare Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in qofka hankiisu yahay in haddii aan dantiisa laga shaqeyn uu bur burinayo dowladda aysan dheg jalaq u siin doonin isagoo farriin ugu diray in danta shaqsi ay ka horreyso midda guud ee dalka.

Posted by on October 12, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply