Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin: Saraakiil Al-Shabaab oo xalay lagu dilay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus islamarkaan ay goobtaas ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa in Ay la kulmeen Maleeshiyada Iska caabin xoogan.

Wararka qaar ee aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ee la weeraray ay dileen Saraakiil Katirsan Al-Shabaab oo horkacayey Maleeshiyadii weerarka soo qaaday kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 2 sarkaal.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowlada ayaa saakay halkaa gaaray iyagoona baaritaano ka bilaabay goobaha ka ag dhow xaafada siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login