Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin: Sargaal ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland oo lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Sargaal katirsanaa maamulka Puntland oo lagu dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale Sarkaalkan uu kamid ahaa Hay’adaha NGO-yada ee ka hawlgala Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.
“Dilka waxaa uu ahaa mid naxdin leh waxaana uu ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo”ayuu sheegay Mid kamid ah dadka deegaanka oo aan lahadlanay.cabdifaarax
“Walaal Magaciisa waxaa naloogu sheegay Cabdi Faarax waxaana uu ahaa nin caan ah” ayuu hadalkiisa raaciyay goob joogaha kusugan Gaalkacyo ee aan lahadalnay.
Labo Nin oo Bastoolado ku hubaysan ayaa ka danbeeyay weerarkan, waxaana ay ka baxsadeen halkii dilka uu ka dhacay uu Gudaha Gaalkacyo.
Ciidamaa amaanka Puntland ayaa howlgallo balaaran a sameeyay xaafada Israac ee dilka ka dhacay ee Waqooyiga Gaalkacyo.

You must be logged in to post a comment Login