Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin: Weerar qasaaro gaystay oo ciidamada Kenya loogu gaystay magaalada Wajeer

Ciidamada difaaca dalka Kenya ayaa sheegay in ruux ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari inuusan ahayn nin isqarxiyay hase ahaatee uu ahaa askari ciidamadaas katirsnaa.

Ciidamada booliska ayaa horey usheegay in hal qof oo ahaa ruux isa soo miidaamiyay uu ku dhintay weerar qarax ah oo ka dhacay magaalada Wajeer Sabtidii shalay.

Ciidama KENYANKA ah oo ay wehliyeen koox kale oo katimid Soomaaliya kana qeyb qaatay dagaalka kadhanka ah Shabaab ayaa lagu weeraray qaraxan xoogan.

Waxaa halkas ku dhintay hal askari iyadoo sidoo kale ay dhaawactay gabadh ay saaxiibo ahaayeen sidoo kale waxaa dhaawac ah ilaa sedex ruux oo labo askari ay ku jiraan.

Ilaa iyo hadoa ma jirto cid loo soo xiray weerarkan ka dhacay magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya sida ay sarakisha Kenya sheegeen.

Weerarkaas Wajeer ka dhacay ayaa kusoo aadaya xili todobaadkii hore sedex askari lagu dhaawacay weerar kale oo isla degmadaas ka dhacay.

Khamiistii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ayaa gudaha magaalada Wajeer kasoo saaray bambooyin la doonayay in lagu dhibaateeyo waxaana bambooyinkaas la qabtay kadib weerarkii askarta Kenya loogu gaystay xili ay kusii jeed.

Weeraradaas ayaa kusoo aadaya xili maanta dadka Kenyanka ah ay udareereen goobaha cod bixinta, waxaana ay galayaan doorasho taariikhi ah.
ugu danbentiina weerarkaani ayaa ku soo aadaayo xili hogaamiyaha Al shabaab uu ku hanjabay inay weerarayaan dalka Kenya

You must be logged in to post a comment Login