Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin:Dagaalkii Ufurow Oo Soo Gaba Gaboobay,iyo Ciidanka Al shabaab Oo u Haray Gacan Ku Heynta Degmada.

Waxaa Gelinkii dambe ee maanta soo gaba gaboobay dagaallo culus oo saaka aroortii hore duleedka degmada Ufuroow ku dhaxmaray ciidamada Al shabaab iyo kuwa Xabashida Itoobiya.

Wararka nagasoo gaaraya gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Al shabaab ay dib u hanteen ciidamada gacan ku heynta magaalada Ufuroow kadib markii ay saaka gacan ku heyntooda ka baxaday dagaal saacado badan qaatay kadib

Maanta duhurkii ayay ciidanka Xabashida dhinac kasoo galeen Ufuroow xilli duleedkeeda dagaal ka socday,gurmadyo kala duwan oo ciidamada Al shabaab ee wilaayada Bay iyo Bakool usoo fidiyeen jabhadda Ufuroow ayay ku guuleysteen in ay ciidamada Ethiopia dib u gurasho ka sameeyeen magaalada Ufuroow iyo Nawaaxigeeda.

C

Khasaara culus ayaa la rumeysanyahay in uu ka dhashay dagaalkii maanta maadaama uu ahaa dagaal saacado badan qaatay oo labada dhinac isku adeegsanayeen madaafiic iyo qoryaha lidka diyuuradaha waxaana xusid mudan in dagaalka ay qeyb ka yahay dagaalada lagu doonaayo in al shabaab looga xureeyo guud ahaan dalka Soomaaliya

You must be logged in to post a comment Login