Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faahfaahin ku saabsan dhakhaatiir ajanabi ah oo ku dhaawacmay qarax Muqdisho ka dhacay

Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)-  Saddex dhakhtar oo ka howlgalla Isbitaalka Muqdisho City ayaa ku dhaawacmay qarax lagu xiray baabuur oo galabta ka dhacay degmada Hodan ee caasimadda Muqdisho.

Dhakhaatiirtan ayaa la sheegay in laba ka mid ah ay u dhasheen Suuriya , halka kan kalena uu yahay Soomaali.
Wararka laga helay qaraxa ayaa inta ku daraya in qaraxa lagu xiray baabuurka xilli ay kubadda cagta ku ciyaarayeen dhakhaatiirta meel u dhow shaqadooda.
Hay’adda ammaanka ee dowladda Soomaaliya ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay qaraxa, sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan.
Dhakhaatiirka ajanabiga ah ee ka howlgalla xarumaha caafimaadka ee ku yaalla caasimadda Muqdisho gaar ahaanna kuwa gaarka loo leeyahay ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay Muqdisho,iyadoo dhakhaatiirka Suuriyaanka ay qayb ka yihiin xirfad-layaasha caafimaadka ee ka howlgalla isbitaallada iyo xarumaha kale ee caafimaadka.

You must be logged in to post a comment Login