Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Farmaajo iyo Antonio Guiteres oo Addis ku kulmay

February 10, 2019

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoonbiya ayaa kulmo kala duwan la laeh waar ka mida marcada ka soo qayb gashal shxrrakaas. Farmaajo ayaa  shir-doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Farmaajo ayaa si aan looga filaynin waxa  cudurdaar iyo ralli galin iswadata uu ka bixiyay qaabkii dowlada Soomaaliya ula dhaqantay  Wakiilka Xog’hayaha ee Guud Qaramada Midooobay Mudane NIsholas Heysom.   Hadalka Farmaajo ka soo yeeray ayaa waxa uu daba socdaa talooyin uu siiyay RW Abiy Axmad oo kula taliyay Farmaajo in uu iska dajiyo culayska siyaasadeed ka haysta Qaramada Midoobay. Sidoo kale Farmaajo ayaa si dahsoon uu eeda dusha uga saray RW Kheyre oo uu yiri “dhankiina waxaa jira dad siyaasadda aan aqoon badan u lahayn fudeedna badana ku jiro oo ku degdega go’aanada, idinka dhankiina waxaa jira dhalinyaro aan agoon badan u lahaynin Soomaaliya oo la taliye u ahaa Nickolas Heysom”

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar‬ Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha  Balal Cusmaan.

You must be logged in to post a comment Login