Faysal Cali Waraabe oo Duqayn Culus kuqaaday Cali Guray Ninka Shaxaadka nala Duljooga ee aan Waligii 10$ Xisbiga Kudarsan ee aanu Maalin Walba kabixino Qarasha Gaadhigiisa — Tacabka Jamaal oo uu Qiray Somalilandlive- Faysal Cali Waraabe Gudoomiye Xisbiga Ucid ayaa Waraysi uu Dhawaan Warbaahinta Siiyay Waxa uu Weerar Culus kuqaaday Cali Guray oo uu Hore uga Caydhiyay Xilka Gudoomiye Kuxigeenka 3aad ee Ucid, Faysal Cali Waraabe Waxa uu Sheegay in uu Xisbiga Ucid Shaxaad iyo Baahi Joogto ah Ladhex Joogo Cali Guray isaga oo Sidoo kalana Sheegay in aanu Waligii Xisbiga kudarsan Wax Dhaqaale ah.
Anaga ayaa uqaadhaana Marka Gaadhigu kajabo iyo Marka uu Safar ubaxay aniga ayaa kabixiyay Noolkii uu Jabuuti kutagay Markii uu Waayay Qarash uu Isaga Bixi Noolka, Hadana Ninka Noocaasi Waxa uu Maalin Kasta kasoo Taaganyay Aflagaadayn iyo Ceebaynta Xisbiga Waa Nin Xishoodka kadhintay Xisbigana Waxba Kama Qaadi karo ayaa Kamid ahayd Hadalka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Dhanka kala Waxa uu Faysal Cali Waraabe Qiray in uu Xisbiga Ucid Tacab Galiyay Jamaal Cali Xuseen Inkasta oo uu Hada Sheegay in aanu Xilkaas Qaadi Karin Xisbiguna Ubaahanyay Musharrax Cusub oo Xisbiga Guul Gaadhsiin kara, dhanka kalana Waxa uu Faysal Soodhaweeyay Wixii ay Maxkamada sare Uxunto Garabka Jamaal Cali Xuseen.
You must be logged in to post a comment Login