Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gaalkacyo:- Madaxwaynaha Dawlada Puntland oo Soo Gabogabaynaya Safarkiisii Gobolka Mudug & Guulaha la gaaray.

Madaxwaynaha Dawlada Puntland oo Mudooyinkii ugu dambeeyay ku Sugana Gobolka Mudug booqdayna Degmooyin & Deegaano Gobolka ka tirsan ayaa la Filayaa in uu soo gabogabeeyo Socdalkiisii Gobolka Mudug.

Madaxwaynaha ayaa Bulshooyin kala duwan oo Degmooyinka Gobolka Mudug & Deegaanadooda ku sugan la Kulay, iyadoona uu ka dhegaystay Bahaiyo ay qabaan sheegayna in Dawladu ay waxii ay awoodo kal qabaynayso.

Madaxwaynaha Puntland ayaa Socdaalkisii Mudug guulaha ugu waawyan ee uu ka garaay waxaa Kamid ahaa Dhismihii Golaha Deegaanka ee Degmooyinka gaalkacyo & Xarfo, iyadoona dhinaca Kalena ay Jiraan mashariic uu Madaxwaynuhu dhagaxdhigay Sida Tiiriminaal uu Yeelanayo Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo, dhismaha Ciidan Birmad ah oo Maanaka Gobolka Mudug ka shaqaynaya.

Madaxwaynaha Dawlada Puntland ayaa Bulshada Gobolka Mudug u riyaaqeen, waxaana dhamaanba Meelihii uu Booqday uuka helayay Soo dhwayn diiran oo Shacabku u Samaynayeen.

You must be logged in to post a comment Login