Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

GAAS oo looga yeeray dalka BRITAIN

 Warka aan ka heleyno Madaxtooyada Garowe, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu ku wajahan yahay dalka Britain.

Kamagra Soft without prescription, buy dapoxetine.

Wararku waxa ay sheegayaan in Dowlada Britain ay casuumaad u fidisay Madaxweeynaha, waxaana la filayaa in Su’aalo laga weydiinaayo Maamulka Puntland iyo heshiisyada kala dhexeeya Xukuumada Somalia.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweyne Gaas, wax laga weydiin doono Howlgalkii ugu danbeeyay oo ay kula wareegeen qeybo ka tirsan Buuraaleyda galgala oo ah Saldhiga ugu weyn Maleeshiyada Alshabaab ee deegaanada Puntland.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Britain, ayaa ka howlgala saldhigyo ku yaalla deegaanada Puntland,iyadoona qorshaha ugu weyn uu yahay in Ciidamo kooban uu dalka Britain ka hirgishan doono Magaalada Garoowe, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsan sirdoonka Puntland.

Dhanka kale, C/wali Maxamed Cali Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa Socdaalkiisa ku waheliya Wasiirro ka tirsan Maamulka Puntland.

You must be logged in to post a comment Login