Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Galmudug oo sheegtay in gawaarida sita taarigada Puntland aynaan soo geli karin deegaanadeeda

Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu ka horyimid in gaadiidka wata taarigada maamulk Puntland, ay gudaha u soo galaan deegaanada ay ka arrimiyaan, iyagoona sheegay inuu jiri doono ganaax lacageed.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Galmudug Maxamed Maxamuud Cabdulle, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Koonfurta Magaalada Galkacyo, ayaa wuxuu kaga dhawaaqay inaanay gawaaridaasi soo geli karin dhulka ay Galmudug ka arrimiso.

Taliyaha, ayaa waxa uu tani ku sheegay go’aan ka soo baxay Madaxda Maamulka Galmudug, haddii gaadiidka ay gudaha u soo galaan deegaanada Galmudug, in lagu ganaaxi doono soddon dollar oo lacagta Mareykanka ah iyo 24 saac oo xabsi ah, oo lagu xukumi doono wadaha gaarigaasi.

Maxamed Maxamuud Cabdulle, ayaa ku waramaaya in Galmudug ay ka daashay gaadiidka sida joogtada ah kaga imaanaaya dhulka Puntland, iyagoo wata taarigada Maamulka Puntland.

Cabdulle, ayaa ku celceliyay haddii gaadiidka aynaan wajihi karin ganaaxa ka dhanka ah, inaanay gudaha u soo gelin deegaanada Galmudug, haddii kalana ay iska soo dhigaan taarigada Puntland. buy Penegra online, buy dapoxetine online.

Go’aanka ay qaadato Galmudug, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo lagu wado in Maamul Gobolada Galgaduud iyo Mudug leesku yiraahdo loo dhiso dadka deegaanka.

You must be logged in to post a comment Login