Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Munaasibad si heer sare loo soo agasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen shirkadaha Xawaaladaha, qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Ganacsatada
Korontada ee Magaalada muqdisho iyo Gobolada qaarkood ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Munaasibaddan oo dhidibada loogu taagayay Magac ay ku midaysan yihiin Shirkadaha korontada ayaa waxaa loogu Magac daray. Somali National Electric Company taasoo ay ku mideysan yihiin inta badan Shirkadaha layrka siiya magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya.
Munaasibadda oo ay ka hadleen qaybo kal duwan ee Bulshada ayaa isaguna waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Muqdisho Maxamed xasan Xaad oo dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay midowga Shirkadahaas isagoona ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliya maadaama haatan dalku dib u dhis ku jiro in ay la yimaadaan iyaguna Midow kanoo kale ah.
Xaad ayaa ku booriyay Shirkaddan Cusub in ay daboolaan baahida Shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay u sameeyaan qiime qoys kasta ee Soomaaliyeed uu awoodo Isticmaalka Korontada oo xiligan qayb ka ah Nolosha.
Waxaa ugu danbayntii Munasibaddaas ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda Somali National Electic Company Xasan Maxamed Axmed oo u mahad celiyay dhamaanba Qaybihii Bulshada ee Munaasibaddaas ka soo qayb galay isagoona ballan qaaday in adeegga laga sugayo Companigooda inay gudan doonaan isla markaana sii casriyeen doonaan Mashiinada ay iminka ku shaqeeyaan.
Si kastaba Shirkadaha ku Midoobay Shirkaddan Somali National Electric Company ayaa waxa ay kala yihiin.
Soomali Bower
Muqdisho Bower
Madina Electric
Isaf Electiric
WBBS
Jowhar Bower
Randan.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran
You must be logged in to post a comment Login