Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

GanacsatoSoomaaliyeed oo maal geliya Al shabaabka

paroxetine tablets buy, acquire clomid. Iyadoo lagu wado inay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM maalinta Talaadada ee soo socota Shir Khaas ah ka yeeshaan Arrimaha dalka Somalia, ayaa waxay Guddiga QM ee Kormeerka waxay sheegeen inay Maalgeliyayaasha furaha u ah maalgelinta Xarakadda Alshabaab ay si ammaan uga shaqeystaan dalalka Gacanka Carabta.

Warbixinta Baarayaasha oo iyadoo dhamaystiran la soo dhigay Websaytka QM ayey ku sheegeen inay Ganacsataddaasi wax u dhimayaan dadaalka lagu doonayo in lagu soo af-jaro Mukhaawamadda ay Alshabaab kala soo horjeedaan ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Ganacsatadda Soomaalida ku nool dalalka Imaaraadka Carabta, Oman, Kuwait iyo Sacuudiga ay sii ololinayaan ganacsiga sharci-darradda ee Dhuxusha ka timaada Somalia, taasi oo ay xubnaha GolahaAmmaanka ee QM mamnuuceen sannadkii 2012-kii.

Baarayaasha QM waxay kaloo tilmaameen in Labo Ganacsato Soomaali oo gacan-saar la leh Sacuudiga iyo mid ka hawlgala dalka Belgium, Nairobi iyo Dubai loo aqoonsaday inay yihiin Ganacsadayaasha furaha u ah Ololinta Colaadda Alshabaab, waa sida lagu xusay Warbixintooda.

Waxayna intaasi ku dareen in dakhliga ka soo xerooda Dhuxusha laga soo dhoofiyo Somalia 33% loo gudbiyo Alshabaab, halka 66% kala qeybsadaan Maamulka KMG ee Jubba iyo Ciiddanka Kenya ee jooga Dekedda magaalladda Kismaayo.

Baarayaasha QM, waxay ku soo ogaadeen iyagoo adeegsanayo Sawiro, Muuqaalladda Dayax-gacmeedyadda iyo War-keenayaal in Bakhaaro ku yaallo magaalladda Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta loo adeegsado in lagu kaydiyo dhuxusha laga keeno Somalia, ka hor inta aan loo daabulin dalalka Oman, Yemen, Saudi Arabia, Kuwait iyo Dubai.

Waxayna intaasi ku dareen inaysan wax jawaabcelin ah ka helin Dowladaha Imaaraadka Carabta, Kuwait iyo Oman oo ku aadan eedeymaha ay Guddiga u gudbiyeen.

Dhinaca kale, Taliye-xigeenka Ciiddanka Isku-dhafka ee Maraykanka ka jooga Geeska Afrika, Admiral Alexander L. Krongard waxa uu Ganacsiga Dhuxusha Somalia barbar dhigay Ganacsiga Daroogadda noocyadda khatarta ee Opium iyo Heroin ee laga dhoofiyo dalka Afganistan, si Ururka Daalibaan loogu maalgeliyo.

You must be logged in to post a comment Login