Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

GAROWE: Maamulka Puntland oo casho sharaf u sameeyay R/wasaaraha iyo wafdigiisa

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa xalay casho sharaf u sameeyay R/wasaaraha xukuumadda Federaalka ah iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan magaalada Garowe ee xarunta maamulkaa Puntland.

Casho sharafta waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin iyo masuuliyiinta maamulka, ayadoo ay hadallo ka jeediyeen Ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha Puntland iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la xalliyo dhammaan tabashoyinka ay qabaan ree Puntland si loo sii adkeeyo midnimada umadda.

Saacado kaddib ayaa wada-hadllo u dhaxeeya labada dhinac waxa ay ka furmi doonaan xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ee magaalada Garoowe.

Maamulka Puntland ayaa horay u soo jeediyay dhaliilo ku aaddan wada shaqeynta ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo Puntland ayadoo socdaalka R/wasaaraha iyo wafdigiisa uu ku saabsan yahay sidii loo xallin lahaa cabashada maamulkaasi. Viagra Plus without prescription, purchase Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login